Press "Enter" to skip to content

Gorfeyn: Qabsadhada Sool ee Somaliland iyo Kaalinta Aragtiyaha Indheergaradka Siyaasadda Puntland

Marka hore waa inaan hoosta ka xarriiqnaa in sheekada ah reerkii deganaa baa Sool dhiibay ay la mid tahay sheekada ah reer Falastiin baa dhulkooda Israa’iil ku wareejiyay . Dhulkaaas waxaa laga qabsaday Masar iyo Jordan, balse markii ay arkeen awoodda Yuhuudda ayay inkireen dhulkii Falastiin oo ku doodeen dulkaas dadkooda u taagan ee shaqo kuma lihin. Maaha in masuuliyadda aan ka qaadayo reer Sool oo aysan eedda wax ku lahayn , balse reer ahaan Sool uguma soo duulin SOMALILAND ee qaab maamul bay ku qabsatay. Haddii ay reer ahaan wax kaga qaadi karto reerka dega Sool dagaalkiii Kalshaale SNM kuma jabteen.

Sool iyo Sanaag inay qayb ka noqdaan PUNTLAND waxay ahayd dood la isku qabtay xitaa asaaskeedii sanadii 1998kii. Waxaana jirtay malaayiin lacag ah oo loo ballan qaaday qabsoomidda shirka oo beesha caalamku keentay, balse shardi looga dhigay in labadaas gobol laga reebo maamulka. Waxaa fikaradaas gaashaanka u daruuray Cabdullaahi Yuusuf iyo Islaan Maxamed Alle ha u wada naxariistee.

Siyaasiyiintii xilligaas dooda ka qabay in Sool iyo Sanaag ka mid noqon maamul PUNTLAND la yiraahdo waxaa ugu cadcaddaa, Kiinkoor, Maxamed Abshir Muuse, Cabdiraxmaan Faroole iyo rag kale. Fikradaas raga wata waxay isugu jireen rag ku xumeynayay Cabduullahi Yuusuf una arkay in kuraasta loo qoondeeyo uu isagu isku dooranayo balse iyagu aysan tartan ba geli karin, iyo rag kale oo aragti ahaan ba diidanaa in labadaas gobol ay qayb ka noqdaan maamulka la dhisayo.

Fikradda ah inaan Sool ama Sanaag ahmiyad la siin ama loo arko gobollo dulsaar ku ah PUNTLAND waxay bannaanka usoo baxday markii Jeneraal Cadde Muuse xilka qabtay , iyada oo ciidammadii badnaa ee kasoo jeeday Sool iyo Sanaag mushahar kii laga jartay, gaar ahaan waxaa la beegsaday beelo gaara oo ahaa difaaca Laascaanood, lana bahdilay siyaasiyiin muhiim u ahaa gacan ku haynta Sool sida Xaabsade. Xilligaas waxaa si fudud SOMALILAND ula wareegtay Laascaanood, waxaana taariikhddu qortay in ciidammadii gobolka Bari iyo Nugaal markiiba isaga soo bexeen magaalada markii weerar lagu ekeeyay, halka ciidan reer Mudug ahaa oo Xiif Cali taar ka amar qaadanayay ay si mintidnima leh isugu dayeen inay magaalada difaacaan, isla markaana ay diideen amarkii ka bixidda, rag badanna kaga dhinteen.

Cadde  Muuse AHU ka dib, waxaa kursiga yimid Faroole oo sii waday fikraddii  MW-naha ka horreeyay ee ahayd inaan wiil ku dhiman Sool, la isuna daayo reerka meesha degan iyo SOMALILAND. Aragtidaas waxaa ka canqaray oo ilaa maanta aamisnan kooxda loo yaqaan Aaran-Jaan iyo MW-ne Deni oo si xoog leh u aaminsan afkaartii Cadde iyo Faroole, si fagaare ah na u sheegay in xididnimo iyo wax walbaa kala dhexeeyaan SOMALILAND, oo xitaa uu mataaladda beesha dhexe ee heer Federaal ku difaaco, uguna doodo.

Markii MW-ne Gaas xukunka yimi oo Mudug kasoo jeeda waxaa la dareemay isku taagtaag SOMALILAND iyo PUNTLAND, walaw aanu waxba ka beddelin jabkii PUNTLAND ee Sool, iyada oo mar kale SOMALILAND xilligiisii qabsatay Tukaraq, laakiin ciidammo ayuu abaabulay wuxuuna isku dayay in uu dagaal la galo SOMALILAND.

Ciidammadii lasoo ururshay ee taabacsanaa Faroole ee Jimcaale hoggaaminayay, iyo ciidammo uu hoggaamiyo Caagadayste oo ah haraadigii  ciidammadii Cadde Muuse, lagama arag dagaalkaas in ay si firfircoon uga qaybqataan. Sidoo kale , ciidammo ku xirnaa siyaasiyiinta Sool ee PUNTLAND taabacsan ayaa iyagana aan xabad qush ka siin. Mar kale, waxaaa dagaal qaraar oo Tukaraq ka dhacay foodda is daray ciidan reer Mudug ahaa oo loo baxshay Caana-ka-dhan ee ciidanka SOMALILAND, waxa ciidankaas dagaalka ku weheliyay ciidammo iyagu qaab qaabiil u abaabulnaa oo Nugaal ah oo u badnaa beesha Muxamad Ugaar iyo Idiris Ugaar oo Siciid Dheere la hoos geeyay, ahaana taliska guud ee daacadda ahaa, sidoo kale ciidan Cali Saleeban ahaa oo u hoggaaminayey Ciise Yulux oo taliye u aha iyo AUN naxariistee Baajuun ayaa qayb ka ahaa dagaalka, ciidanka Xannaano ayaa iyaguna qayb ka noqday dagaalka oo ah sarkaal  kasoo jeeda gobolka Sanaag. Waxaa SOMALILAND awooday inay iska soo caabiso weerarkii qayb ka mida xoogaggii uu Gaas abaabulay, waxaana siyaasiyiinta Aaran-Jaan, Deni iyo siyaasiyiin kale oo Karkaar kasoo jeeda oo tirsanayay hagbaddii 2019kii suuqa geliyeen in Gaas doonayo inuu PUNTLAND dagaal geliyo, si uu dooarshada 2019ka dib ugu dhigo oo u yiraahdo dalku dagaal buu ku jiraa.

Isku soo wada duuboo, dhiiibista iyo balanbalinta Sool waxaa u taagan kooxo siyaasadeed oo kasoo kala jeeda Bari iyo Nugaal, kuwaas oo laba jeer xukunka soo qabtay, waxaana ku weheliya siyaasiyiin waawayn oo reer Sool ah oo iyagu doonaya in qaybta PUNTLAND kaligood u xirnaato, oo aanu dhicin dagaal lagu xoreeyo Sool, maadaama ay taas keeni karto xoogag cusub oo Sool kasoo jeeda oo saaxadda ku soo biira.  Kooxaha siyaasadeed ee aan soo tilmaanay ee iyagu fikrad ahaan gacan saarka la leh SOMALILAND waa kooxo lagu yaqaan in ay si wayn hawada u mariyaan hadalo beer laxawsi ah oo ay ku xodxodanayaan xildhibaannada kasoo jeeda Sool xilliyada doorashooyinka PUNTLAND.

Haddaba, isla kooxahaas mar kale ma soo dayn doonaan ballanqaadyadii ahaa Sool waan xorayn hadadan kursiga helno sidii dhici jirtay, mise waxaa la dooran 2024-ka MW-ne isagu aan ka iman kooxahaas qaylo iyo hanjabaadna aan hawada marin, balse isagu horta PUNTLAND tii la wada dhisatay 1998kii dib isugu soo ururiya Sool na u jid bixiya?!

November, 2022

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *