Dhacdooyinkii taariikh shileed (1992 ilaa 2023) ee waddanka Nepal!
Nepal oo ah dal aan bad lahayn, oo ay ku yaalliin siddeed ka mid ah 14-ka buurood ee ugu dhaadheer adduunka, oo ay ku jirto buurta” Mount Everest”, ayaa leh taariikh shilal diyaaradeed oo dhimasho badan sababay.
Bal aan eegno dhacdooyinkii taariikh shileed (1992 ilaa 2023) ee waddanka Nepal lasoo darsay sannidihii ugu danbeeyey:
- September 28, 1992kii, dhammaan 167 qof oo saarnaa diyaaradda Pakistan International Airlines ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Kathmandu ee Nepal.
- August 2010kii, dhammaan rikaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa ku dhintay diyaarad rikaab ah oo bariga dalka Nepal ku dhacday.
- Ferbraayo 24, 2016kii, diyaaradda (Tara Air) oo ay leedahay shirkadda Twin Otter ayaa ku burburtay meel buur ah oo ku taal degmada Myagdi ee Galbeedka Nepal. Waxaana ku geeriyooday dhammaan 23-kii qof ee saarnaa.
- Maarso 12, 2018kii, 51 qof ayaa geeriyooday ka dib markii diyaarad ay si aan xakamayn lahayn uga leexatay waddada Kathmandu ee waddanka Nepal.
- April 14, 2019kii, saddex qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed ka dhacay garoonka Lukla Airport ee dalka Nepal, kaas oo lagu tiriyo mid ka mid ah garoonnada ugu khatarta badan caalamka.
- May 29, 2022kii, diyaarad ay leedahay Twin Otter ee laga leeyahay dalka Nepal ayaa burburtay wax yar ka dib markii ay ka kacday magaalada Pokhara ee Galbeedka dalka Nepal, waxaana ku geeriyooday 22 qof.
- January 15, 2023kii, ugu yaraan 68 ka mid ah 72-dii qof ee saarnaa diyaaradda Yeti Airlines ayaa geeriyooday, ka dib markii ay ku burburtay diyaaraddu magaalada Pokhara ee Galbeedka Nepal, kaas oo ka dhigaya shilkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa muddo soddon sano ah waddankaas.
Tixraaca warbixinta: TRT World
Be First to Comment