Press "Enter" to skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudow kaalintaada shariifka ah qaado.

DHIIG MUSLIM OO DAATA DANI KUMA JIRTO!

Arrinta Laascaanood dib-u-dhac wayn ayay u keeni kartaa Dowladnimada Soomaaliya , iyo guud ahaan Soomaalida meel ay joogtaba, haddii aan si xikmad leh loo maarayn. Waayo ummad quluubtoodu kala fogaatay ujeeddo ma wada yeelan karaan.

Arrinkaasna wuxuu ag yaallaa Maxweyne XSM. Waa in uu u hadlaa si waafaqsan Dastuurka JFS, sababtoo ah:

1- Meesha waxaa yaalla naf la goynayo, ayna gaysanayaan ciidanka Somaliland.

2- Reer Laascaanood dooddoodu waa in ay Soomaaliya ka tirsan yihiin, halka maamulka Somaliland ay leeyihiin go’aankaas ma qaadan kartaan.

3- Waxaa soo dhow wada hadallo lala gali doono Somaliland, qaddiyaddaanina waxay xoojinaysaa Mawqifka JFS.

4- Mawqif Dastuuri ah oo uu hoggaanka JFS qaato wuxuu daciifinayaa doodaha qabyaaladeed ee hadda aloosan kuwaas oo aad u kala qaybinaya ummadda Soomaaliyeed.

5- waxaa jira dowlado iyo dhinacyo kale oo badan oo dan ka dhex arka in Soomaalida qabyaalad lagu kala fogeeyo.

6- Danteennu waxay ku jirtaa in colaadda iyo dhiigga la baajiyo, isla markaana aysan eel kale reebin.

W/Q: Sh. Mohamed Cumar – Oo ka tirsan Garsoorka Sare ee Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *